aqbaar.com
Saturday, April 1, 2023
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
aqbaar.com
No Result
View All Result
Home NEWS

Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

Bashka by Bashka
February 28, 2023
in NEWS
0
Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey
0
SHARES
8
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

28.02.2023. Askari katirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ugu geystay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaajle ah. Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, iyadoo dilkiisa kadib ciidamadii geystay ay goobta iska dhaqaaqeen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi loo geystay wiilkaas dhalinyarada ahaa.

Dilalkan ayaa ku aadaya xilli xaley isla Magaalada Muqdisho lagu dilay darawal kale oo mooto Bajaaj kadib markii lagu toogtay qoriga loo yaqaan Sabanka.

27.02.2023. Ilaa iyo Shan qof oo Shacab ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayay Ciidamada Booliska ku dileen rasaas ay isla dhacayeen laba ciidan kuwaas oo ka dhacey degmada Wardhiigleey

Taabo halka hoose

Banaanbaxii maanta

Dilkii u dambeeyay waxaa uu shalay ka dhacay degmada Yaaqshid, Askari ilaalo ka hayay Xarunta degmada ayaa toogtay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj, iyadoo dilka kadibna uu askariga goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgal baaritaano ah waa ay ku guul dareysteen iney soo qabtaan gacan ku dhiiglaha, inkastoo ay Saldhiga Yaaqshid ku soo xireen askari kale oo loo heysto inuu fududeeyay baxsadashada iyo Qorigii dilka lagu geystay.

Lixdii bishan oo ku beegneyd Arbacadii Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa dilay nin dhalinyaro ahaa oo goob ganacsi u furnaa, Dilka ninkaa ganacsadaha ahaa ayaa yimid, kaddib markii goobtiisa ganacsiga uu ugu tagay askariga kadibna xabad uu ku dhuftay.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye, wuxuuna mehrada ganacsiga ku lahaa Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Afartii bishan Askari booliska ah ayaa Isgoyska Banaadir ku toogtay Nin watay gaari nooca PRADO ah, kaasoo durbadiiba meesha ugu geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay Madaxa Sare.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu rasaasta wadada ku furayay, si gaadiid Ambalaas oo xilligaas Isbitaalka Madiino u waday dad ku soo dhaawacmay qarixii Isniintii ka dhacay Xamar weyne.

Askariga dilka geystay oo isku dayay inuu baxsado waxaa qabtay Ciidamo goobta ka agdhawaa, waxaana Askariga dilka geystay iyo Meydka marxuumka uu dilayba la isla keenay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Saddexdii bishan Askari boolis ah ayaa degmada Wadajir, gaar ahaan Suuqa weyn ee degmadaas ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ku soo qaaday Mooto Bajaaj, Askariga ayaa iska diiday inuu bixiyo lacagtii lagula soo heshiiyay, iyadoo Bajaajlahana uu iska diiday inuu lacagtiisa isaga tago, taasoo keentay in rasaas qeybta sare ee jirka looga dhuftay uu u geeriyoodo.

Askariga dilka geystay, ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo wax dhaqdhaqaaq ah aysan sameyn Ciidamo tiro beel ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu dilka ka dhacay.

Labadii bishan oo ku beegneyd Sabtidii Askari boolis ah, ayaa isgoyska Bakaaraha qeybta xigta degmada Howlwadaag ku dilay Hooyo Xaawo Shiikhoow Faarax oo heysatay 8 Caruur ah, iyadoo dilka kadibna uu goobta isaga cararay.

Muqdisho Todobaadkan ma jirin dilal ay ka geysteen Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee bastooladaha wax ku disha,  balse wey dheceen dilal badan, waxaana geystay Ciidamada dowladda ee hubka u qaatay sidii ay Shacabka u daafici lahaayeen.

Previous Post

Over 100 Deaths In Las Anod – A Contested Somaliland Region

Next Post

Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & faah faahino kasoo baxaya

Bashka

Bashka

Next Post
Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & faah faahino kasoo baxaya

Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & faah faahino kasoo baxaya

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Video

https://youtu.be/dhf9sFMorYY
  • Trending
  • Comments
  • Latest
Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

February 28, 2023
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

February 27, 2023

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA G/BANAADIR OO HEEBSOOC LACAGTA LOOGAGA JOOJIYEY

1

Make Realtionship Years Lights Fill Kind In USA

0

Events Held In Paris Beautifull And Amazing Things

0

Wherein life sea years lights fill kind midst Spirit

0
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
EU approves US$116m to boost security in Somalia

EU approves US$116m to boost security in Somalia

March 6, 2023
Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

March 6, 2023

Recent News

All Rights Reserved Copyright. © 2005-2023

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND