Rag la sheegay inay ku hubeysnayeen Bustoolado ayaa xaafada Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho waxaa ay kudileen laba Ruux halka laba kale ay ku dhaawaceen, iyada oo kooxihii falkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in raga la beegsaday ay ahaayeen kuwo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana ku sugnaa Goobo lag u iibinayay, waxaana weerarka kadib goobta ka tegay Ciidamo kala duwan wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii falkaasi geystay.
Waa goobtii 2-aad oo 24 saac gudahood ay weeraraan koox Bastooladey ah islamarkaana ay dad ku dilaan. Dilkii kan ka horreeyay oo ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab oo maalin ka hor u hanjabay Ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada Maandooriyaha.
Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu fashilmay waxka qabashada Kooxaha Ciyaal weerada iyo kuwa ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya, wallow mararka qaar ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah.