Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Madaale ayaa caawa soo gaarey halka shacabka lagu laayey suuqa Siinaay ee ka tirsan degada Wardhiigleey.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in ciidamadii is rasaaseeyey maanta shacabkana ku laayey Suuqaasi ay xeran yihiin sharcigana la soo hor keeni doono.
Daawo faahaafinta dhibkii dhacay maanta
Dabagal aan ku sameeynay in taasi dhab tahay ayaan ku ogaanay in ciidamadaasi dadka laayey ay joogaan guryahooda lana kala direy halka uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku sheegey in xabsi la dhigay.
Dad aad u careeysan ayaa laga yaabaa in maalinta berito ay iskugu soo baxaan halka xasuuqa shacabka ka dhacey ee suuqa Siinaay, ayagoo qaar ka mid ah ay sheegayaa in hadii xaqoodii helin ay bilaabi doonaan in ay ugaarsadaan ciidamada wadooyinka jooga.
Qaar ka mid ahaa eheladii caruurtoodii lagu laayey ay qaarkood diideeyn in ay duugaan Meedadkoodii ilaa ay kasoo xeraan askartii iyo madaxdii shaqada ku lahaa aagaasi.
Tan ayaa dadka qaarkood ku fasirteen in xasuuqii shacabka ee kooxda Alshabaab ay badelkoodii galeen Ciidamada Dowlada, maadaama maalin kasta ay dilka magaalada muqdisho sii badanaayo, waxaana shaley dad rayid ah lagu diley xaafada Taleex ee degmada Hodan
Isku soo duub waxa fara ka baxey amaanka dalka oo dhan iyadoo dagaalada ay ka socdaan, Magaalooyinka Muqdisho, Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Bari, iyo Gobolka Sool.
Dowlada iminka jirta ayaa lagu mashquuliyey ku biirista wadamada bariga africa oo hormuud ka yahiin Madaxweynaha Yugandha iyo kan kenya.
Dhanka kale R/Wasaaraha dalka oo ah nin aqoon iyo waaya aragnimo siyaasad laheen, taas oo keentey in Wasiirada ay noqdeen kuwa iska tamaashaada iyo kuwa dano kale qaas wato oo waxey doonaan sameeya.
Hadii ay sidaan kusii socota dowlada aan tabarta laheen ay keeni karto in Maaamul goboleedyaha ka tashadaan sidii wadanka loo badbaadin lahaa.