aqbaar.com
Saturday, April 1, 2023
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
aqbaar.com
No Result
View All Result
Home NEWS

Ruushka Oo Eriteria Kala Hadlay Isticmaalka Dekedahooda

Bashka by Bashka
January 28, 2023
in NEWS
0
Ruushka Oo Eriteria Kala Hadlay Isticmaalka Dekedahooda
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria.

Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas.

Lavrov ayaa uga mahadceliyey dalka Eriteria, taageerada ay u muujiyeen Ruushka.

Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in labada dhinac ay samayn doonaan daraasad wadajir ah, si la isaga kaashado fursadaha saadka iyo gaadiidka ee ay ka jira dekedda badda cas ee Massawa iyo garoonkeeda diyaaradaha.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso suurtagalnimada isticmaalka awoodda saadka ee dekedda Massawa iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Gegida diyaaradaha ee Massawa waxay u muuqataa mid soo jiidasho leh, marka loo eego suurtagalnimadeeda inay xuddun u noqoto kala wareejinta rakaabka,” ayuu yidhi Lavrov.

Booqashada Lavrov ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jiraan saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo ku sugan Qaaradda Afrika, kuwaas oo ku hawlan kor u qaadista xidhiidhka Maraykanka iyo dalalka Afrika.

Previous Post

President Mohamud meets with parents of Eritrean-trained recruits

Next Post

Xamsa oo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Dibedda

Bashka

Bashka

Next Post
Xamsa oo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Dibedda

Xamsa oo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Dibedda

Latest Video

https://youtu.be/dhf9sFMorYY
  • Trending
  • Comments
  • Latest
Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

February 28, 2023
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

February 27, 2023

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA G/BANAADIR OO HEEBSOOC LACAGTA LOOGAGA JOOJIYEY

1

Make Realtionship Years Lights Fill Kind In USA

0

Events Held In Paris Beautifull And Amazing Things

0

Wherein life sea years lights fill kind midst Spirit

0
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
EU approves US$116m to boost security in Somalia

EU approves US$116m to boost security in Somalia

March 6, 2023
Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

March 6, 2023

Recent News

All Rights Reserved Copyright. © 2005-2023

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND