Mogadisho – Wararka ka imaanaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in madaxda Dowlada ee wada dhaqdhaqaaqyada Dagaalka lagula jirto kooxda Alshabaab ay soo food saartey dhaqaalo xumi, maadaama ay qorshihii dagaalka uu dheeraadey, iyadoo dowlada hada sanadka jirin ay dagaalka galeeyn iyadoo la sameeyn qorshooyinkii dagaalka lagu galayey, taas oo keentey in si xeeladeeysan kooxda Alshabaab kaga baxeeyn Magaalooyin aad u baaxad weyn, iyagoo aan laga qabsan ama laga furan wax aqab dagaal sida baabuurta Tiknikada.
Tan ayaa ka timid su’aalooyin badan oo ku saabsan Xogta dagaalka, iyadoo ilaa hada aysan jirin qalo qaadeeyso mas’uuliyada dagaalkaan ama ku magacaaban.
Rag ka tirsan Askartii hore ee Soomaaliyeed ayaa su’aalooyin badan ka keeneyn qabka dagaalka loo wado iyadoo aysan jirin wax maamul ah oo loogu tala galey Degmooyinkii la qabtey dhawaan, taas oo keeni karta in ciidamada Dowlada iyo macaawiisleeyda ay noqdaan kuwa dayacan, sida aan hadaba u aragney dagaalkii lagu qaadey ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Tuulada Xawaadleey oo ka tirsan Degada Balcad.
Sida ay u shaqeeyaan wadamada dunida caalamka ka jira in hadii wadanka uu dagal galaayo ay dowlada kala shirto saraakiisa ciidamada kuwa jooga iyo kuwa howlgabka noqdeeyn si ay dowlada u hesho istaraajiyad wanaagsan oo ay ku wajahdo Dagaalka, balse taas weli lama arag oo dagaalka hada socda ay shacabka u arkaan mid ay dowlada kaga faa’iideysaneeyso shacbigii la dagaalamayey kooxda Alshabaab.
Cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowlada Federaalka & Maamul goboleedyada dalka
Tan ayaa ah tan ugu qatarsan ee keeni karto in Dowlada ay ku adkaan weyso Dagaalka iminka socdo ama uu kasoo gaaro jab weyn, sababtoo ah cilaaqaadka Dowlada iyo Maamul goboleedyada ayaa ah mid aad u xun kana dhaxeeyn siyaasad wada ogol ah, iyadoo Dowlada Puntland ay iminkaba ku dhawaaqdey in aysan la shaqeeyn kari Dowlada dhexe, halka Maamul Goboleedka Jubbaland & Koonfurta Galbeed ilaa hada aysan qeyb ka aheeyn la dagaalanka kooxda Alshabaab maadaama ay dowlada dhexe diidan tahay mid hal sano oo dheeri ah ay ku darsadeeyn xukunkooda, waxaana taas mid la mid ah ku darsadeeyn maamula kale ee Galmudug iyo Hirshabelle, balse Dowlada Dhexe ay diidan tahay wax la yiraahdo ku darsi sida uu marar badan sheegey Madaxweynaha Xasan Sheekh.
Hadii ciidamada Dowlada DF la geeyo dhulka ay ka taliyaan maamul goboleedyada diidan dowlada dhexe maxaa ka imaan kara.
Dabcan waxaa halkaas ka cad in Ciidanka DF aysan ka dhaxeeynin wada shaqeeyn Ciidamada Dowlad goboleedyada maadaama siyaasad ahaan kala aragti duwan yihiin Dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Sidaan ognahnay dagaalka socda waxa uu u dhaxeeyaa Qabaailka Macaawiisleeyda iyo kooxda Alshabaab, halka dowlada ay tahay gacan sedexaad oo raacsan Qabaaiilada Macaawiisleeyda ayagoo ka gacan siiya saanada ciidamada iyadoo meelaha qaar ay geeyaan ciidamada Mareeykanka tababareen qaarkood sida ciidanka DANAB, balse juuq iyo jaaanba meel ay cereb dhageeyn la la’yahay ciidamda uu mareeykanka tababarka qaaska siiyey ee ALPHA GROUP.
Budget ka Dowlada oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka qeyb maka ahaa Dagaalka socda?
Dhamaadka bishi nasoo dhaaftey ayay aheed markii labada gole ee baarlamaanka ay ansixiyeen miisaaniyada 2022/2023 oo gaareeysa $967.7 Milyan, balse cid ka hadashey ma jirto wax ka bedelka miisaaanid sanadeedka, maadaama wadanka uu galey dagaal, hayadihii Dowlada oo shaqadooda yaraatey, waxa kaliya oo dhaqaale laga sugayaa waa Dekada Muqdisho iyo Airportiga, taas oo aan bixin karin mushaaraadka dowlada.
Dowladaha kaba dhaqaalada dalka Soomaaliya qaarkood ayaa la yaaban dagaalka ay dowlada iclaamisey iyadoo wadanka iminka ka jiraan Abaar ba’an
Waxaa isweydiin leh dowlada qorshe ma ugu jirtaa hadii waqtiga sii dheeraado, hadii lagaga guuleesto maxaa dhici karo , sidee loo badbaadin doonaa macaawiisleeyda iyo shacabka raacsan Dowlada hadii ciidamada kasoo baxaan aaga dagaalka, anagoo og in marar badan ay dhacdey in ciidamada dib uga soo laabteeyn deegaanadii ay qabsadeeyn, barakaca ka imaan kara maxaa uga qorsheeysan dowlada,.
Waxaa aad usoo badanaaya su’aalaha ka imaanaya aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed.
Isku soo duub dhibaatooyinka dhaqaale ee hada taagan ka jira Wadanka ayaa iskugu soo biyo shubteeyn dhaqaalaha yar ee laga helo Gobolka banaadir, taas oo keentey in Duqa magaalada ka dhuunto xafiiskiisa iyadoo soo buuxdhaafiyeen saraakiisa ciidamada iyo Xildhibanada aaga hore ee dagaalka ka muuqdey oo qaarkood weji gabax kala kulmeeyn Duqa magaalada Yuusuf Madaaale.
Qore C/Xakiin Geeseey
Muqdisho, Somalia