Madaxweynaha Dawlad Gobolleed Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegay in uu raadsaday garab iyo taageero si uu uga bad baado damino loo qoolay oo la rabo in xilka looga tuuro.
Siciid Deni ayaa waxa la sheegay in uu codsi udirsaday siyaasiyiinta & maamulka gobolka Gedo islamarkaana tani ay muujin doonto dagaal cusub.
Kala tegidii Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa muujineysa inay Puntland ku qasabtay raadinta reer Gedo iyadoo dib ugu soo laaban doonin awoodii Jubbaland iyo Puntland.
Xog laga helay madaxtooyada Puntland ayaa sheegeysa in Deni uu bilaabay taageero uu ka raadiyo dadka Gedo balse lama oga waxa uu kala kulmi doono.
Todobaadkii hore Puntland ayaa ku dhawaaqday inay nidaamka Federalka Soomaaliya ka baxayaan maadaama ay arkeen in culeys gaar ah kala kulantay villa Soomaaliya.
Deni ayaa sanad uga harsan mudada xilheynta Puntland balse waxa uu wajahayaa dagaal dhowr jiho ah oo lagu diidan yahay.