MUQDISHO — Maamul goboleedka Puntland ayaa toddobaadkan ku dhowaaqay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystirka dastuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.
Haddaba qodobada la isku hayo ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Dr. Afyare Cilmi oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Heritage.