Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Arbaca ah soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada dalka, xildhibaano iyo wasiiro ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Madaxweyne Geelle.
xayaysiisyada
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo munaasabad xariga looga jarayo xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga (AGA) iyo mashaariic kale oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Jabuuti.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku xayirtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarado shacab ka hor inta uusan soo degin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa ku tilmaantay “dayactirka”. Duulimaadyada degdega ah iyo kuwa tiknikada ah waa laga dhaafay xayiraadda safarka.
Madaxda Soomaaliya ayaa sidoo kale xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyagoo u diyaar garoobaya socdaalka Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa.