aqbaar.com
Wednesday, February 8, 2023
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
aqbaar.com
No Result
View All Result
Home SOMALI STATES BAYLAND

Laftagareen oo ku xiray shuruud inuu wareejiyo xilka

Bashka by Bashka
December 21, 2022
in BAYLAND, NEWS
0
Laftagareen oo ku xiray shuruud inuu wareejiyo xilka
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wixii ka dambeeyay markii uu baarlamaanka Koonfur-Galbeed muddo kordhin xileed u sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaa sii xoogeysanayay jahwareer siyaasadeed oo ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mowduucan, isagoo sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in iyaga oo keliya ay mar kale isbaddal ku sameyn karaan, isbedelkaas oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo.

“Wixii ku saabsan [muddo-xileedka] ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,” ayuu yiri.

Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd.

“Xeer iyo nidaam annaga aan sameysannay baa yaalla, nin iyo qof xanaaqsan, ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyaddeenna iyo nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama baddalayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Muddo-xileedka madaxweyne Laftagareen oo ahaa 4 sano ayaa ku ekaa shalay oo ahayd 19-ka bisha Disembar, waxaana uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afar guuradii kasoo wareegtay markii la doortay.

“Badbaadada Koonfur-Galbeed”

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in maamulkiisu ay xilalka oo dhan “ku wareejin doonaan qofkii hal tuulo ka soo qabsada Al-Shabaab.”

“Badbaado Koonfur-Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, badbaadada Koonfur-Galbeed ninka raba, Koonfur-Galbeed Shabaab baa heystee haka badbaadiyo. Furinta yuusan kasoo bixin oo Baydhabo imaamine, [barakacayaasha gudaha] iyo maatadan halkan joogta, hal malyan iyo labo boqol oo kun oo qof ayaa Baydhabo joogtee… qoriga hala soo dhex fariisanine bannaanka u bax oo Shabaab ka badbaadi.”

“Haddaad xil rabtid, tuulada ugu horreysa markaad qabatid noo soo noqo, waxaan xil heyno oo dhan adiga ayaan kuu dhiibeynaaye, haddaad nin rag ah tahay,” ayuu yiri Laftagareen.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid jawaab u ah walaac ay muujinayeen qaar ka mid ah xildhibaannada Koonfur-Galbeed iyo siyaasiyiin ka soo horjeestay kordhinta muddo xileedka, iyagoo ku adkeystay in aysan sax ahayn.

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo xooggiisu uu ka jiro maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-Galbeed.

Meelo badan oo ka mid ah Koonfur Galbeed ayaa weli ki jira gacanta kooxda Al-Shabaab.

Bishii April ee sanadkii 2020 ayuu Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ansixiyay muddo-kordhin loo sameeyay guud ahaan maamulka Koonfur-Galbeed, iyagoo sheegay in ay tallaabadaas u qaadeen si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, haseyeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa ku dooday in arrintaas aysan sharciga waafaqsanayn.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada doonaya in la qabto doorashada madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in war saxaafadeed ay soo saareen ay uu xambaarsan yahay walaaca siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin”.

Wuxuu ku baaqay in doorashada xilligeedii lagu qabto isla markaana aysan raalli ka heyn wax muddo kororsi ah.”Waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn ” ayuu yiri xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi.

Muddo kordhinta Madaxda Dowlad-goboleedyada

Bishii September ee sanadkan 2022 ayey hadal-heyn tan la mid ah ka dhalatay muddo kordhin hal sano ah oo ay Baarlamaanka Galmudug u sameeyeen madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey mid walba muddo kordhin hal sano ah loogu sameeyay ka hor inta aan la qaban doorashada.

Dhammaan maamullada ayaa sheegay in ay afartii sano ee muddo xileedka dowlad goboleedka ka dhigeen shan sano, madaxweyne kasta oo imaadana uu xeerkaas raaci doono.

Previous Post

Ciidankii tababarka u joogey Ereteriya oo la keenay Muqdisho

Next Post

Nabadoon Beesha H/Gedir kasko jeeda oo Muqdisho lagu diler

Bashka

Bashka

Next Post
Nabadoon Beesha H/Gedir kasko jeeda oo Muqdisho lagu diler

Nabadoon Beesha H/Gedir kasko jeeda oo Muqdisho lagu diler

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay Connected test

  • 23.7k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Amazon has 143 billion reasons to keep adding more perks to Prime

January 1, 2023
Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

February 5, 2023

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA G/BANAADIR OO HEEBSOOC LACAGTA LOOGAGA JOOJIYEY

1

Make Realtionship Years Lights Fill Kind In USA

0

Events Held In Paris Beautifull And Amazing Things

0

Wherein life sea years lights fill kind midst Spirit

0
Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

February 5, 2023
Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

February 5, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh &  Safiirka Marwykanka oo kulmey

Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Marwykanka oo kulmey

January 30, 2023
Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

January 29, 2023

Recent News

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

February 5, 2023
Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

February 5, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh &  Safiirka Marwykanka oo kulmey

Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Marwykanka oo kulmey

January 30, 2023
Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

January 29, 2023
Facebook Twitter Google+ Youtube RSS
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND

All Rights Reserved Copyright. © 2005-2023, www.aqbaar.com