aqbaar.com
Sunday, June 4, 2023
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
aqbaar.com
No Result
View All Result
Home NEWS

Bankiga Aduunka oo ogolaadeyn lacag malaayiin ah

Bashka by Bashka
December 17, 2022
in NEWS
0
Bankiga Aduunka oo ogolaadeyn lacag malaayiin ah
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansixiyay lacag dhan 70 milyan oo doolarka, taasoo loogu deeqay dowladda Soomaaliya, ee uu hogaamiyo MW Xasan Sheekh.

Lacagtan ayaa lagu horumarinayaa wax soo saarka beeraha, xoolaha ay ku nool yihiin bulshooyinka reer miyiga ah ee ku dhaqan dhulka engegan ee Soomaaliya, oo hadda abaar ka jirto.

Mashruuca oo loo yaqaano “Barwaaqo” ayaa lagu dhisayaa nolosha dadka tabaaleysan ee xoolahooda iyo dagalaga beeraha ku weeyay abaarta, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag iyo cunto yari ka sii daraysa.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono labo dowlad Goboleed, oo dheeri ah oo ka tirsan dowladda federaalka ah, kuwaasoo kala ah Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Waxa ay sheegtay in mashruucani ay ka faa’idaysan doonaan 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad ​​15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif ahayn.

Kristina Svensson, agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay uga soo kabtaan aafadda abaarta, islamarkaana ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha degaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay sababeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah gayiga Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, hab-nololeedka miyiga ayaa khatar ku jira.

Caqabadahaas oo ay weheliyaan abaaraha ayuu sheegay in ay sidoo kale sababaan in dadka xoolo dhaqatada ah ay waayaan xoolihii ay dhaqan jireen oo ah isha ugu weyn ee ay ka heli jireen dhaqaalaha, halka beeralayda ay waayaan dalagii kasoo go’i jiray beeraha oo ah isha ugu weyn ee ay ka heli jireen cuntada.

Previous Post

Mowjado cusub oo lagu furay madaxweynaha Koofur Galbeed

Next Post

Gfinity launching competitive league for teams to draft amateur players

Bashka

Bashka

Next Post

Gfinity launching competitive league for teams to draft amateur players

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest Video

https://youtu.be/dhf9sFMorYY
  • Trending
  • Comments
  • Latest
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan Bajaajlayaasha iyo Shacabka oo kordhey

February 28, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

Ciidamadii rasaasta ku furey shacabka oo guryahooda loo kala direy

February 27, 2023

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA G/BANAADIR OO HEEBSOOC LACAGTA LOOGAGA JOOJIYEY

1

Make Realtionship Years Lights Fill Kind In USA

0

Events Held In Paris Beautifull And Amazing Things

0

Wherein life sea years lights fill kind midst Spirit

0
Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

Maxkamadda ciidamada oo xukunno dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa booliska

March 13, 2023
Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

Doorashooyinka Puntland oo la isku qilaafsan yahay

March 13, 2023
EU approves US$116m to boost security in Somalia

EU approves US$116m to boost security in Somalia

March 6, 2023
Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

Soomaaliya oo 5 Milyan ku yaboohdey dhulgariirka Turkiga

March 6, 2023

Recent News

All Rights Reserved Copyright. © 2005-2023

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND