Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe xuseen iyo Wafdi balaaran ee hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Boqolaal dadweyne ah iyo Masuuliyeen.
Wafdiga ayaa waxaa qeeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka shabeellaha dhaxe, Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliya Generaal Biixi.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe xuseen ayaa lagu wadaa in uu meel fagaaro ah kala hadlo Shacabka ku nool Magaalada Moqokori oo Al.shabaab dhowr bil ka hor laga saaray.


