aqbaar.com
Wednesday, February 8, 2023
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND
No Result
View All Result
aqbaar.com
No Result
View All Result
Home NEWS

Maamul goboleedyada oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh

Bashka by Bashka
December 11, 2022
in NEWS, SOMALI STATES
0
Maamul goboleedyada oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Afar madaxweyne goboleed ayaa la filayaa inay yeeshaan iskaashi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Iskaashigan ayaa waxaa abaabulkiisa wada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey qeyb uga hayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, halka la filayo inay kusoo biiraan madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe 

Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan, taasi oo sahleysa in Axmed Madoobe uu kusoo biiro xulufadan cusub.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda, dibna usoo celiyaan saaxiibtinimadoodii xoogganeyd.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo.

Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, taasi oo haddii ay dhacdo isbeddel weyn ku sameyn karta siyaasadda dalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Madaxweynaha Puntland oo ka dambeeyey isbaheysiga ka dhanka ah Xasan Sheekh, ayaa shirkii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii tegay aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

fir gaar ah : Xigasho wargeys ka Caasimada

Previous Post

Ciidamo Hubeysan oo gudaha u galeyn Isbitaalka Degmada Warsheekh

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Loogu soo dhaweeyey Moqokori

Bashka

Bashka

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle Loogu soo dhaweeyey Moqokori

Madaxweynaha Hirshabeelle Loogu soo dhaweeyey Moqokori

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay Connected test

  • 23.7k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Amazon has 143 billion reasons to keep adding more perks to Prime

January 1, 2023
Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

February 5, 2023

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA G/BANAADIR OO HEEBSOOC LACAGTA LOOGAGA JOOJIYEY

1

Make Realtionship Years Lights Fill Kind In USA

0

Events Held In Paris Beautifull And Amazing Things

0

Wherein life sea years lights fill kind midst Spirit

0
Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay

February 5, 2023
Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

Ciidankii ugu dambeeyey Gor gor oo laga soo daabulay Gedo lana geeyey

February 5, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh &  Safiirka Marwykanka oo kulmey

Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Marwykanka oo kulmey

January 30, 2023
Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

Russian flags fly as thousands rally against France in Burkina Faso

January 29, 2023

Recent News

Facebook Twitter Google+ Youtube RSS
No Result
View All Result
  • HOME
  • NEWS
  • POLITICS
  • SOMALI STATES
    • BANAADIR
    • BAYLAND
    • GALMUDUG
    • HIRSHABELLE
    • JUBBALAND
    • PUNTLAND
  • SOMALILAND

All Rights Reserved Copyright. © 2005-2023, www.aqbaar.com