Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen suuqa lagu iibiyo xoolaha nool ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxey ku dileen taliyihii canshuuraha ee suuqa xoolaha Dayniile kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Garba Joof.
Sarkaalkan ayaa ahaa mid aad uga shaqeyn jiray Suuqaasi si gaar ahaan dadka xoolaha u iibkeensada ama xoola iibka ah usoo doonta suuqa xoolaha ee degmada Dayniile, Waxa uu sargaalkan horay u dilay tiro dad oo shacab ah sida ay sheegeen dad horay u yaqiinay Marxuunka iyadoo kooxaha dilka geystay ayaa isaga baxay Goobta.
Magaalada Muqdisho ayaa maal mahii u danbeeyey waxaa ka dhacaayey Dilal qorsheysan ma jirta ka hortag laamaha Amniga ah ay sameyeen