Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Date:

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.

taliyayaasha sirdoonada soomaaliya iyo itoobiya oo heshiis kala saxiixday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Xasan Sheekh & Afwerki oo kormeeray Ciidamada Soomaalida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka...