Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ku geeriyootay rasaas ka dhacay Garoonka Jigjiga

Date:

Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Magaalada Jigjiga.

Rasaasta ayaa waxaa furay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Federaalka ee qaabilsan amniga Garoonka Jigjiga, ka dib markii la sheegay inay wada murmayn askari kale oo ka tirsan ilaalada garoonkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu fuulay dhisme ku yaala garoonka, ka dibna uu bilaabay inuu rasaas ku furo dadkii xilligaa ku sugnaa garoonka, isla-markaana ka dhoofayay.

Juweeriya Subcis ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dadkii garoonka ka dhofayay, waxaana jira dad kale oo rasaastaasi ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis oo gaaray Garoonka Garaad Wiilwaal ay gacanta ku soo dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaasi gaystay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada guracan ee lagu dilay Xildhibaanadda, oo ka mid ahayd dhallinyarada deegaanka ee horaan ku biiray siyaasadda, waana xilli Ciidamada Federaalka lagu eedeeyo inay dhibaato joogto ahi ku hayaan dadka ka dhoofaya garoonkaasi.

Jaweeriya Subcis ayaa laga soo doortay Degmada Daratoole ee Gobolka Doollo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...