Diyaaradaha Turkiga ee Drones ka ayaa duqeeymo ka wada Gobolka Sh/Dhexe

Date:

Diyaaradaha dowladda turkiga ayaa la sheegay in maalintii labaad oo xiriir ah ay duqeymo la beegsanayaan fariisimaha ururka Al-Shabaab ee degaanka Masaajid Cali gaduud iyo degaannada ku dhow dhow kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay qoteen godad waaweyn oo difaacyo u ah.

Warar kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saaka isaga baxeen degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dhinac ka joogeen, isla markaana ay degaanka kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo doonaya inay guud ahaan degaanka la wareegaan.

Tiro dhowr jeer ah ayay dhinacyadu ku dagaalameen degaanka Masaajiid Cali Gaduud , halkaas oo weli la sheegayo in dhinacyadu ay banaanka magaalada ka kala joogaan.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa uu qaatay saacado badan, iyada oo dhinacyada dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab ay guulo ka kala sheegteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...