Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo shalay dagaal culus kula galay kooxda Al-Shabaab Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer. Waxaa uuna eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka loogu xoreynayo Shabaan in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, Asigoona xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira kooxdaasi.
Dhanka kle Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaanka Masaajid Cali Gaduud oo dagaal xoogan uu ka dhacay.
Afhayeenka oo Wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadu ku sugan yihiin qeyb kamid ah degaanka Masaajid Cali Gaduud, qeybta kalena diyaarado dagaal ay duqeeyeen.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada kala duwan ay wadaan howlgallo xoogan, isla markaana saacadaha soo socda ay si buuxda ula wareegi doonaan gacan ku heysta degaanka Masaajid Cali gaduud iyo degaannada ku dhow dhow.


