Ciidanka dowladda oo la wareegay Masjid Cali Guduud ee Sh/Dhexe 

Date:

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hadda la wareegay degaanka Masjid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa si nabad gelyo ah ula wareegay, mana jirin dagaal ay kala kulmin kooxdii hore u hesatay.

Al-Shabaab ayaa deegaankaasi kusoo bandhigtay odayaal ay sheegeen in ay u dagaalami doonaan dhawaan.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalka hoggaaminaysa ayaa Risaala u sheegay in deegaankaan ay kasii gudbi doonaan, islamarkaana u jeedkoodu uu yahay in ay gaaraan degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.

Ciidanka dowladda ayaa sii maray degaano badan oo Shabaab ay gacanta ku hayeen,kuwaasoo ay si weyn ugu xooganaayeen sanadyadii lasoo dhaafay.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...