Waxaa lagu wadaa in sabtida soo socota xariga laga jaro Dekedda Garacad ee gobalka Mudug, taas oo dhismaheedu socday sannadihii lasoo dhaafay.
Munaasabadda xariga ka jarka ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxda sare ee DFS, Puntland, Wafuud ka socota dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, Ganacsato kala duwan iyo Qurbajoog Soomaaliyeed oo caalamka isaga imaan doona.

Qabanqaabada munaasabadda xariga ka jarka Dekedda Garacad ayaa ka soconaya deegaankaas, waxaana la sheegay in magaaladaas ay gaareen wafuud hordhac ah, iyadoo la diyaariyay garoonka diyaaradaha deegaankaas oo madaxdu ay ka degi doonto.
Dhismaha Dekedda Garacad ayaa soo bilowday sannadkii 2018kii, waxaana dhagaxdhigay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Maamulka Shirkadda Wadaagsin ee gacanta ku haya dhismaha Dekedda ayaa sheegay in la diyaariyay labo kamid ah Jambiyada Dekedda, kuwaas oo kala ah A&B, iyadoo uu socon doono dhismaha jambiyada haray.
Dekedda ayaa ah mashruuca ugu weyn ee Soomaali dhisanayso si isku-tashi ah, waxaana dhaqaale fara-badan gashaday ganacsato Soomaaliyeed, haba u badnaadeen ganacsatada Reer Puntland.
Marka ay bilaabato shaqada Dekedda Garacad ayaa la filayaa inay u adeegto guud ahaan Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Itoobiya.