Masuuliyiin ka socotay DDS ayaa socdaal ku saabsanaa adkaynta amniga iyo xuduudaha ku soo gaaray shalay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan Waxaana ay kulan layeesheen dhiggooda Masuuliyiinta Amniga ee Gobalka Hiiraan
Masuuliyiintan socdaalka ku yimid Magaalada Baladwayne ee xarunta Goblka Hiiraan ayaa ka koobnaa Hogaanka Nabadgelyada DDS Mudane Dayib Axmed-nuur, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelle mudane Aadan Axmed Sooyaan iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS Sarreeye Guud, Cabdi Cali Siyaad.
Masuuliyiintan oo la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan adkaynta amniga xuduudaha labada deegaan ee dariska ah iyo sidii loo cidhibtiri lahaa Al-shabaab.