Gumaadka Ganacsatada Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrik ayaa u maqan

Date:

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalka koonfur Afrika waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo Dhalinyaro ah, xilli uu ku sugnaa dukaan uu ka Shaqeeynayay.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Daahir, iyada oo goobta ay ka baxsadeen kooxii Burcadda ahaa ee dilka geysta, waxaana goobta gaaray Ciidamo boolis ah, kuwaas oo aan ku guuleysan inay qabtaan.

Sidoo kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdikariim Kaamil xilli uu ku sugnaa tuulada Missionvale isago waday gaari Rooti uu ku wareejinayay.

Dhinaca kale Kooxo Burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxaa ay ku dhaawaceen dukaankiisa oo ku yaalla tuulada Unkwenza France ee hoostagta deegaanka KWAZAKHELE ee magalada Gqeberh.

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee degaanka Unkwenza , dhaawaca muwaadinka Soomaliyeed ayaa  la gaarsiiyay Livingston hospital si loogu daaweeyo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa snad walba si joogto ah loogu dilaa dhalinyaro Soomaalia ah oo dalkaasi u tegay inay ka Shaqeystaan, iyada oo Madaxda dowladda Koonfur Afrika wax ka qaban dilalka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...