Sida ay ii xaqiijiyeen Koox dhallinyarro ah oo katirsan si guud Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha, agaasimaha Warfaafinta ee xaafiiskaas Farxaan ayaa isagoo iska dhaadhicinaya Xamsa-ha maamula xaafiiska, wuxuu shaqo ka joojin ku sameeyey dhallinyaro shaqadaas warfaafinta heysay ku dhawaad 7 sano. Wuxuu shaqada geeyey koox ku heyb ah Ra’iisul wasaare Xamze si Farxaan booskiisa u xegsado oo Tabar sii joogis ah uu uga dhigto shaqada fashilantay ee loo magacaabay oo ah Warfaafinta Xaafiiska Xamze.
Kooxdii horey u shaqaynaysay ayaa Mushaarkoodii la leexsaday, hadana waxay ku howlan yihiin in xaafiisyo kale ay codsanayaan in loo wareejiyo. Balse agaasimaha warfaafinta ee Xaafiiskaas Farxaan ninka lagu magacaabo ayaa ka yaaban waxa hoos u dhaca weyn ku keenay wararka fadhiidka noqday ee baahinta boggagga xaafiiska.
Ma xaq baa in qaab qabiil loo boobo shaqadii dhallinyaradda xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la iska gadayo Xamze Cabdi Barre?
Cali Aadan Muumin