Somaliland oo ka walaacsan cudurka Dengue oo sii kordhaya

Date:

Magaalada Hargeisa boqolaal qofood ayaa isbitaalka la Dhegay, KADIB MARKII xanuun cusub oo Ła sheegewy in ay sababto kaneenada uu kua dhacay Magaalada

Xanuunkan ayaa wata xumad iyo qandho daran waxaana dadka qaar marka uu ku chaco sankooda ka imaanaya dhiig, iyadoo dhoor qofood oo duma u badań ay u geeriyoodeen xanuunkaasi.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa hadda xukuumadda ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladaha sii kordhaya ee xanuunka Dengue ee dalka.

Afhayeenka xisbiga Waddani BOMALILAND, ayaa walaac ka muujiyay sida ay xukuumaddu u maareysay xaaladda.

Waxa uuna sheegay in isbitaalada waaweyn ay buux dhaafiyeen bukaanada, islamarkaana aysan lahayn awood ay wax uga qabtaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dadka ay dhibaatadu saameysay intooda badan aysan iibsan karin dawooyinka qaaliga ah.

Isbitaallada ayaa buuxa, dadkuna waxay hor jiifaan qolka gargaarka degdegga ah, waa xaalad aad u xanuun badan. Marka isbitaalka lagu geeyo, wax walba waa inaad bixisaa” ayay tiri Batuun.

Batuun ayaa sheegtay in dadka u dhimanaya qandhada ay aad u badan yihiin, isla markaana la soo sheegayo xanuuno badan.

Qandhada Dengue, oo ay faafiso kaneecada, ayaa ah halka ay ka dilaacday xanuunkan iyo dhimashada dad aan tiradooda la cayimin oo ku nool Somaliland.

Kiisaska Qandhada Dengue oo sii kordhaya oo Somaliland oo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...