Qarax dad dhinteyn oo ka dhacey Magaalada Muqdisho

Date:

Qaraxaas oo ahaa Miino ayaa la dhigay goob ay ku caweeyaan dhalinyarada xaafadda, waxaana uu dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, sida mas’uuliyiinta degmada Wadajir ay ku waramayaan.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Waxa uu sheegay iney gurmad deg deg ah la gaaeeen dadka waxyeelada gaartay oo ay ula carareen xarumaha caafimaadka, isagoo shacabka ugu baaqay iney si dhaw ula shaqeeyaa laamaha amaanka, si looga hortago falalka lidiga ku ah amaanka.

Si kastaba, Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay xirnaayeen wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, maadaama Muqdisho lagu soo dhaweynayay ciyaartoyda 17 jirada ee ku soo guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...