Hay’ada DADSOM -National Authority mataqaan? maxeysa qaban doontaa?

Date:

Hay’adda aqoonsiga iyo diwaangelinta dadweynaha ee DADSOM waxa lagu aasaasay xeerka aqoonsiga ee No.41 ee sannadka 2020. Xeerkani waxa uu dhigayaa aasaaska ururka DADSOM, hawlihiisa, awoodihiisa, hawlahooda (Tirsi) ee aqoonsiga qaranka iyo kaararka aqoonsiga. Xeerku waxa kale oo uu DADSOM siinayaa awoodo ay ku samayn karaan xeerar iyo siyaasado ku xidhan hawlahooda.

DADSOM waxay u xilsaaran tahay taabagelinta, lahaanshiyaha, maamulida, ku shaqaynta iyo ilaalinta nidaamka asaasiga ah ee aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ogolaanaya in la diiwaan geliyo, loona qoondeeyo nambar gaar ah dhammaan muwaadiniinta, iyo sidoo kale dadka sida sharciga ah u deggan Soomaaliya, iyo soo saarista guud. kaadhadh ujeedo badan leh kaarka aqoonsiga qaranka.

Hay’adda DADSOM ayaa waxay sanadkii lasoo dhaafay la kulantay culeysyo badań oo uga imaanayay Dalka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Hay’ado Caalami ah, Caqabadahaasi ayaa la xiriiray Dalka laga keenayo barnaamijka ID ee lagu diiwan-gelinayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo cidda gacanta ku haynaysa, caqabadahaas oo sababay in DADSOM la saaro cunaqabateyn taageero-dhaqaale. Si kastaba, sida uu noo sheegay Maareyeaha DADSOM, maamulka DADSOM ayaa ku adkeystay in barnaamijkaasi ku socdo sidii ay heshiiska ku galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Pakistan.

Heshiiskaas oo ku qotomay in Dowladda Pakistan deeq ahaan ka caawiso Soomaaliya barnaamijyada la xiriira National ID, oo ah in Somalia si gaar ah loogu dhiso, barnaamij ID, ay iyadu leedahay, maamulan karto, dalkeedana dhigan karto keydka Macluumaadka Muwaadiniinta, si uusan ugu gacan gelin Cadow, loona isticmaalin ujeedooyin daahsoon.

Sida laga soo xigtay bogga DADSOM (dadsom.gov.so), waxay Hey’aduu Dowladda Pakistan 30 June 2022, u shubtay qeybtii ugu horreysay $3.7 Hay’adda NADRA Pakistan oo ah Hay’adaan ayaa dhaaqaalahaasi uga caawineysa Hay’adda DADSOM barnaamijyada diiwangelinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Barnaamijyadaan ayaa Somalia u fududeynaya iney hesho Nidaam Digital ah oo mideynaya ID-yada Dalka oo dhan, siinaya qof walba lambar Tirsi uu gaar u leeyahay, dhalasho-ilaa-dhimasho iyo ID-kaar, Arrimahan ayaa sii fududeyn doona dardargelinta dhaqaalaha, gaar ahaan Bangiyada iyo Xawaaladaha oo xiliyadaan caqabado ka haysata hubinta & adkeynta amniga, waxeyna kaalin ka ciyaari doonaan Dukumentiyadaan hirgelinta Doorashooyinka heer gobol iyo heer Federaal.

lasso Qeybta labaad waxen u ifin doonaa dakka fikirkaan lahana, dakka keenay Hay’adan iyo madaxdii u saxiixdey contract

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Popular

More like this

ATMIS oo loogu baaqay inay ka qeyb gelaan dagaalka Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb....

War deg deg ah Sargaal lagu dilay Magalada Muqdisho

Howlgal qorsheysan oo goordhaw Xoogaga Alshabaab ay ka fuliyeen...

Maareeyaha Hay’adda Duulista oo xayiraad safar kusoo rogtay Maxkamada

xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Maxkamadda Gobolka Banaadir...

Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee...