Ka dib markii dhib badan uu kala kulmay kursiga uu hada ku fadhiyo Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf madaale ayaa soo baxeeysay maalinba maalinta ka dambeeysa cadaawada uu u qaadey qaar ka mid ah beelsha GALMAAX YOONIS oo ah beesha ku tilmaaman Degaanka Gobolka banaadir.
Gudooomiyaha gobolka banadır Yuusuf madaale ayaa ah Nin Aad ugn dhow Madaxweyne Xasan Sheekh xaaskiisa, ayaa bilaabey olole looga soo dhiibey Madaxtooyada Soomaaliya, VILLA SOMALIA, ololahaas oo ah mid lagu dhibaateenayo ama lagu diIdan yatay in beesha GALMAAX in ay jago muuqda ka qabtaan maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Dowlada federaalka labaduba.
Cadaawadaan ayaa horey u sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2012 ilaa 2016, xiligaas uu wadanka xukumaayey, waxa uuna xilalkii ka xayuubiyey madaxdii xiligaas, kuwaasooo ay ka mid ahaayeen Safiirka Yurub u fadhiyey Midowga Yurub waqtigaasi Ambasador Nuur Xasan Xuseen, Ambassador Maxamed Cali Ameeriko, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir xiligaas Mungaab
Hishiiskii Soomaalida isla qaateen oo isku afgarteen xiligii Dowlada Ku meelgaar ka heen ee TFG, ayaa dhigayey in hadii xil qof laga qaado ama uu ka dhinto in reerkaasi la Siiyo, si dib u hishiisiinta Dowlada ay caqibad ku noqan, balse markii la bedelay madaxdaasi marnaba laguma bedelin qof reerka GALMAAX kasko jeedey,
Duqa Magaalada Muqdisho yusuf Madaale ayaa lagu amrey in laga joojiyo mushaaraadkii gebi ahaan 66 xubnood oo GALMAAX ah, oo ay ku jiraan rag soo shaqeeynayey Gobolka Banaadir mudo ka badan 40 sano ah.
Guddoomiyaha ayaa hore u joojiyay inka badan 180 laakiin uu dib ugu fasaxay dhamaan 124 qofood uu hore uga joojiyay, halka Beesha Galmaax uu gebi ahaan diiday in uu kala hadlo xildhibaanka beesha galmaax Xildhibaan Xaadoole oo maanta ku sugan aaga hore ama jiida hore ee Dagaalka ka soda Gobolada Hirshabeele.
Xildhibaan xaadoole ayaa kasoo hor jeestay magaabista gudoomiye Madaale,sidaas darteedna aysan jirin xiriir ka dhaxeeya labadaan mas’uul waqtigaan xaadirka ah.
Xogta aan helnay ayaa waxeey sheegeeysaa in beesha HARTI ABGAAL ay kala hadleeyn mushanar joojinta lagu sameeyey Qaar ka mid ah BEESHA HARTI ABGAAL Agaasime Dhagaxtuur iyo Maxamed Amiin, Duqa Magaalada kadi u ogolaaday in loo fasaxo mushaaraadkooda.
Waxaa kaleo warararka helnay kamid ah in beelaha Habargidir uu si toos ah u soo wacay wasiir ABSHIR BUKHAARI kaas oo ku amray in uu fasaxo mushaaraadka beeshiisa.
Sidoo kale Ugaaska beesha Daauud Abgaal oo ay isku heyb hoose yahiin Gudoomiye Madaale uu u sheegay beesha galmaax in ay raali gelin ka bixiyaan hadaladii ka soo yeeray, markii la magacaabay Yusuf Madaale.
Arintaan ayaa laga yaabaa in iskudhac ka yimaado ciidamada aaga dagaal ku jira iyo madaxda Gobolka banaadir, iyadoo waqtiga uu xasaasi yahay ayaad moodaa in Madaxweyne xasan Sheekh uu iska Dhaga tiraayo hishiiskii wax qeybsiga Qabiilada iyo isku dheelitirka shaqaalaha Dowlada.
Wariye Cumar dheere Muqdisho Somaaliya
Madaxweyne Xasan sheekh sidaan muu ku caafimaad qabaa nin dhahaayo waa baahanshnay hadana dhahaayo waan dagaalameeynaa “ caafimaad ma jiroo”
Waa yaabanshay hada iyo heebsooc waliba dadkii magaalada loogu yimid yaab !!!!