Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo afar maalmood oo Socdaal qarsoodi ah kujoogay Imaaraadka Carabta ayaa caawa fiidnimadii hore kusoo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa waxaa wehlinayay 3 xubnood oo labo kamid ah ay caruurtiisa yihiin oo safarkan u raacay.
Diyaaradda Madaxweynaha wadey ayaa istaagtay oo Madaxweyne Xassan kaga dagay qeybta Milateriga ee Afisyooni, iyadoo aan la aqoon sababta qeybta Aden Cade ee rayidka looga maarmay, waliba xili fiidnimo ah.
Warar kale duwan ayaa soo baxaya, Madaxweynaha ayaa baaritaan caafimaad oo qaatay darajooyin kala duwan kusoo maray Imaaraatka Carabta, mid kamid ah ayaa maalin qaatay.
Madaxweynsha ayaa horey loogu arkey asagoo jiifa cisbitaal ku yaal Turkiga inta uusan noqon Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya
Waxaa kale oo xasuusanaa in sanadkii 2015 sidaan oo kale qarsoodi xaga caafimaadka u aadey wadanka Turkiga balse wasiirkii hore ee warfaafinta waqtigaad AUN Injineer Yariisow sheegay in Madaxweynsha u tagey Turkiga arimo caafimaad , markii uusoo laabtey Xasan Sheekh waxaa xilka laga qaadey Wariir Injineer yariisoow xilifaad