Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si weyn loogu soo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo kusoo guuleystay koobka cayaaraha bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.
Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay ciyaartoyda kusoo guuleesatay koobka bartamaha Afrika ee lagu qabtay dalka Itoobiya.
Soo dhaweyntii maanta ayaa noqotey mid aad u liidato dhanka Protocal ka iyadoo la arkayey qaladaadyo badan, waxaana meesha ka baxay doorkii wasaarada Isboortiga, maadaama guusha ay soo hoyeen ciyaaptooyda qaranka Soomaaliyeed ee da’da yar, koobkaas oo u dhexeeya dhamaan maamulha dalka ka jira, balse laga dhigey isidii naadiga munashiibiyo oo guuleeysatey, waxaana awoodii wasaarada isboortiga la wareegey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.

