Gidoomiyaha Gobalka Banaadir ahana Duqa Magaalada ayaa xalayto oo taariiqdu ahayd 16.10.2022 ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen sadaxda jufo oo ka tirsan Abgaal. Kulanka ayaa waxaa dalabkiisa lahaa Duqa Magaalada kaas uu ku doonayey in uu ku helo taageerada qaar ka mid ah Beesha Harti Abgaal.
Qaar ka mid ayaa madaxdii lagu casuumey Hotel Elite, ayaa ka gaabsadeeyn inay ka qeybgalaan shirkaasi, maadaama shirkaasi uu watey Ygudoomiye usuf Madaale, madaxda baaqateyna ay ogaayeen in uu rabo in uu ka iibiyo fikirka guracan ee uu rabo Xasan sheekh oo ahaa in uu Magaalada Muqdisho u sameeyo gole deegaan ku saleeysan fikirka guracan ee 4.5 uu xasan sheekh ka sheegey Garawe sanadkii lasoo dhaafey
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Madaale ayaa loo soo dhiibey fikirkaasi asagoo durba bilaabey in Abgaalka kala qeybiyo si fikirkaasi u hergalo, waxuuna ku bixinyaa lacag aad u fara badan.
Gudoomiye Madaale ayaa goobta shirka qadka telifoonka kula hadlay xildhibaano ay ka mid yahiin Ducaale, Cosoble, Abdirasaq Xusul iyo Xildhibaan Beereey, kuwaas oo si cad u sheegay moqofkooda in ay taageersan yahiin Gudoomiye Madaale, halka Xildhibaan Xaadoole iyo Sanater xaaji Muuse suudi, iyo rag kale aysan shirka qeyb ka aheyn.
Kuwoo diidan in Muqdisho la wada yeesho, maadaama Xasan Sheekh uu hore u qeybiyey dhulka Abgaal ee labada shabeele, hadana rabo in intii harteyna kala tuuro, maadaama 2017 kii uu hal ku dheg ka dhigtey QABYO NINKEEDII AYAA DHAMEESTIRO, uu ula jeedey in Xamar uu qeybiyo Soomaalida kale ee aan deganeeyn waxaa ku laheyn Gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan lagala Hadley Maqaamka Muqdisho, iyadoo loo sheegey in uu tixraaco hadaan Ła hubeeyn Golihii deegaan ee sameeyeen Nuur Cade iyo Cali Maxamed Geedi, balse ay dhibeeysay in uu marlo Golahaasi.
Madaale ayaa waxuu aamin sanyahay damaca Wasiir Axmed Macalin Fiqi ee ku aadan in magaalada ay tahay magaalo Hawiye, kaas oo ujeedkiisu yahay in mustaqbalka ay ka noqon karaan Duqa Magaalada, shirka ayaa waxaa Gudoomiye Madaale ku wehliyay xubno ay isku heyb hoose isla yahiin, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Muxeydiin xasan Afrax, carabow dheere, iyo Axmed Daaci.
Wararka aan helnay ayaa qaar sheegayaan in Madaxweyne Sheikh Shariif uu ka soo horjeeday in beeshiisa ay qeyb ka noqoto dagaal siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxweyne Hassan sheikh iyo beesha Galmaax Yoonis oo Aad uga soo horjeeda Sheikh Shariif ayaa aaminsan in uu dagaalka aheyn mid uu madaale wato, ee uu hoosta ka riixayo Madaxweyne Hassan sheikh.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan Xaadoole uu isugu yeeray dhamaan waxgaradka, culumada iyo saraakiisha Galmaax in ay ka soo qeyb galaan shir dhihi doono oo ay beesha kaga tashaneyso mustaqbalka iyo horumarka beesha,
Tan ayaa keen kart in hubkii Dowlada ee shacabla u gacangaley u horsed kara dagga sukeeya oo ka dhaca Koonfirta Soomaaliya.