Ciidamo katirsan Milateriga Xoogga Soomaaliya ayaa aroortii hore ee maanta Al Shabaab kala wareegay degaano hoosyimaada degmada Balcad ee gobalka Sh/ Dhexe, kadib muddo sanado ah oo ay halkaas ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.
Degaanada laga qabsaday shabaab ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhabacoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, waxaana ciidanka dhulkaas qabsaday hogaaminaya Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS.
Sidoo kale mas’uuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa howlgalkaan qeyb ka ah, sida, Guddoomiye Abshir Kaaraan, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale. AS ayaa laga saaray badi deegaanadii ay ka joogeen degmada Balcad kadib dhowr jiho oo laga weeraray kooxdaas.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Xaadoole inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab inta laga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan gobolka shabellaha dhexe.
Xigasho Warqaad