27.2 C
Mogadishu
Thursday, September 29, 2022

PUNTLAND: Madaxweyne Deni oo diidey shirka DFS iyo Dawlad Gobaleedyada

Must read

Shirka Wadatashiga Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedyada ayaa saacadaha soo socda ka furmi doona caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa gaaray sabtidii Muqdisho, halka uu ka baaqsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la sheegay inuu ka cudur-daartay imaanshaha Muqdisho, sababo amni dartood, isagoo sheegay inuu uga qeybgali doono aalada fogaan araga ah ee ZOOM. Balse xogaha ayaa muujinaya in baaqashadiisa ay salka ku heyso khilaaf isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib u soo laba kacleeyay.

Xubno ka agdhow Shirka ayaa u sheegay Puntlandtimes, in labada maalmood ee uu socdo looga hadli doono saddex arrimood, kuwaas oo kala ah siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Hoggaamiyayaasha ayaana si adag uga wada doodi doono dagaalka Al-Shabaab iyo qeybsiga deeqaha caalamka.

Ilo-wareedyo ayaa intaa ku daraya in shirka loosoo raray shirkii wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada, kaas oo fashilmay kaddib maalmo uu ka socday Muqdisho oo la isku mari waayay.

- Advertisement -spot_img

More articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -spot_img

Latest article